Mustaqbalka Xawaaladaha

Translation: Abdi Mohamed
Stapleton Road, Easton. Wuxuu u eegyahay dukaan yar oo xaafadda ku dhexyaala oo iibiya cunto fudud, cabitaan, sigaar iyo waxyaabaha caadiga ah. Laakiin dukaankan yari, sida boqolaal kale oo ku yaala magaalooyinka kale ee UK, wuxuu dhinaca kale xarun u yahay bangi caalami ah.
Shirkadaha xawaaladaha, sida Dahabshiil, waxa laga dhex sameeyaa dukaamadan oo kale; wuxuuna u adeegaa qurbo joogta reerahooda waddamada kale jooga lacagta u dira. Laakiin suuqa ganacsiga lacagaha dibedda loo diraa waayadan dambe waxa la soo dersay cidhiidhi badan. Shuruucdii ayaa la sii adkeeyay iyada oo laga baqayo lacagaha sida qaldan loo diro (money laundering) iyo maalgelinta argagixisada, waxayna Soomaali badan ku beertay werwer ah in aanay awood u yeelan doonin in ay dadkooda taageeraan.40% dadka Soomaaliyeed waxay ku tiirsanyihiin oo ay ku noolyihiin lacagta dibedda looga soo diro, £114 milyan ayaa lagu qiyaasaa lacagta Soomaalida UK ay u diraan waddankoodii. Golaha Deegaanka Bristol wuxuu ku qiyaasaa in ay magaalada degan yihiin ilaa 10,000 qof oo Soomaali ah. Qaar badan oo ka mid ahi waxay isticmaalaan xawaaladaha.
2013kii ayay ahayd markii Barclays, bangigii ugu dambeeyay ee bixiya adeegyada xawaaladaha Soomaaliya loo diro, uu xidhay 250 koonto (accounts) oo ay lahaayeen shirkadaha ka ganacsada xawaaladaha. Go’aankaasi wuxuu aad uga xanaajiyay bulshada Soomaaliyeed ee UK ku nool, iyo hay’adaha dawladda ka madax banaan ee caalamiga ah (NGO) ee ka shaqeeya Geeska Africa – kuwaas oo iyaguna isticmaala shirkadaha xawaaladaha. Dahabshiil oo ka mid ah shirkadaha xawaaladaha Afrika ugu weyn ayaa go’aankaa ka dagaalamay oo maxkamadda sare la tagay arrintaa, kuna guulaystay in go’aankaa la joojiyo; waxaana loo ogolaaday in ay ganacsigooda sii wataan.
Siciid Buraale oo hay’adaha maxaliga ah ee Bristol ka shaqeeya oo aan kula kulmay makhaayadda Chez Saynab oo ku taala waddada Stapleton ayaa yidhi “sida keliya ee aan reerahayagii lacag ugu diri karnaa waa xawaaladda.” Cabdi Maxamed oo ka tirsan Somali Media Group ayaa isaguna ka hadlay sababta ay lacagta dibedda laga diraa muhiimka u tahay. “Ma nihin bulshooyinka reer galbeedka ee keli-kelida u nool. Waanu iska warhaynaa … waa muhiim in aan lacag u dirno waalidiintayada iyo xubnaha kale ee qoyska ka mid ah ama qaraabada ee aan shaqeynin.”
Laakiin xawaaladda oo asalkeedii ka timid ama ku salaysan hab Islaami ah ayaa marmarka qaarkood dhibaato leh, Siciid Buraale ayaa sidaa sheegay, “marka aad lacag dirayso ma hubtid in 100% ay lacagtaasi gaadhi doonto cidii loogu talogalay.” Waxyaabaha ugu khatarsan waxa ka mid ah iyadoo Soomaaliya aanay jirin waraaqo aqoonsi ah oo qofka lagu garto, taa macnaheedu waa in xawaaladaha ay ku adagtahay in ay cadeeyaan dadka lacagta loo soo diray.
Waxa kale oo aan la hadlay Mark Jenner oo khibrad u leh baadhitaanka koontooyinka iyo lacagaha sida qaldan loo diro, kana shaqeeyay dacwado xawaaladaha la xidhiidha. Niman budhcad ah ayaa “af-duubaya hababka ay dadka waddamada dibedda ka shaqeeya ay dadkooda lacagaha ugu diraan” sidaa waxa yidhi Jenner. “Habkan la isticmaalaa waa hab aan la fahmi karaynin oo meelo badan ka wareega, mararka qaarkood way adagtahay in aad ogaato halka ay lacagtu ku socoto.”
Jenner waxa kale oo uu yidhi “dhibaato weyn ayaa hortaagan” hay’adda u xilsaaran ilaalinta lacagaha (Financial Conduct Authority). Runtii, aad bay u adagtahay in la ilaaliyo oo laga hortago in si sharciga ka baxsan loo isticmaalo.
Sannadkii hore bangi ka mid ah bangiyada Maraykanka ayaa xidhay dhamaan koontooyinkii shirkadaha xawaaladaha Soomaalida. Marka la eego marxaladda siyaasadda imika taagan, waa suurtogal in waddamada reer galbeedku ay sii adkeeyaan baadhitaanka iyo ilaalinta ka ganacsiga xawaaladaha. Laakiin Soomaalida Bristol ku nool, waxa ugu weyn ee ay ka werwersanyihiin waa taageerada ay siiyaan dadkooda waddankii ku nool.
Dawladda UK waxay samaysay guddi u qaabilsan lacagaha la diro iyo meelaha ay sii maraan, ujeeddadooduna waa in ay sii “adkeeyaan halka ay marto lacagta isaga talowda UK iyo Soomaaliya”. Laakiin Buraale wuxuu aaminsanyahay, “haddii uu isbedel imanayo waa in uu bulshada ka yimaadaa. Dawladdu waa in ay bulshada weydiisaa xalka ugu fiicani waxa uu noqon karo.”
Report a comment. Comments are moderated according to our Comment Policy.