Our journalism needs your support! Become a member
The Bristol Cable

Somali: Codka Soomaalidu saameyn intee leeg ayuu doorashada 2015 ku yeelan karaa?

Edition 3

“Somalis must vote, they must exercise their rights and must use their voice”

Words: Ruqiya Hassan

Illustrations by Sophie Filomena.


The first in a series of foreign language articles, there is a English translation of this article.


“Waa muhiim in ay Soomaalidu ka qaybqaadato habka siyaasadda waddankan si xal loogu helo arrimaha ka hortaagan in ay dadka wax la qaybsadaan oo bulshooyinka kale ay isfahmaan.”

Khaliil Cabdi, oo ka mid ah dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa

Haddii si sahlan su’aashan looga jawaabo, dad badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa dareensan in ay qayb laxaad leh ka qaadan karaan codka dadka madowga iyo kuwa laga tirada badanyahay oo la filayo inuu natiijada doorashada bisha May dhacaysa saameyn weyn ku yeelan karo. Laakiin haddii jawaab faahfaahsan laga bixiyo waxa la fahmi karaa sida uu codkoodu isbedel u keeni karo.

03-28-somali-2Dadka isirkoodu Soomaalida ka soo jeedo ee Bristol degan ayay tiradoodu si aad ah u korodhay shan iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay, imikana waa dadka ugu faraha badan bulshooyinka soo haajiray ee magaalada ku nool. Sidoo kale waxa la cadeeyay in tirada dadka Soomalida ah ee codeeyaa ay labalaabantay. Waxaana lagu doodi karaa in codkoodu uu door weyn ka ciyaari karo natiijada doorashada guud ee bisha May dhici doonta – iyo ta golaha deegaanka ee qaybo magaalada ka mid ah ka dhici doonta.

Warbixin ururka Operation Black Vote soo saartay sannadkii 2013dii ayaa lagu cadeeyay in codka dadka madow uu ka badanyahay codkii ay heleen xildhibaanadii golaha wakiiladda (MPs) ee 2010kii Bristol laga doortay. Tusaale ahaan degmooyinka Bristol East iyo Bristol West, halkaas oo ay Soomaalida badankeeedu degantahay, codka dadka madow iyo kuwa laga tirada badanyahay wuxuu ahaa 16.40% and 25.50% – sida ay u kala horeeyaan. Waxa kaloo iyana muhiim ah in warbixinta lagu ogaaday in dadkaa kuwa ugu badani ay yihiin Afrikaan, kooxda ugu badani waa Soomaali sida Golaha Deegaanka Bristol ku cadeeyay warbixintii laga soosaaray Tirakoobkii 2011. Sidaa daraadeed waxa suurtogal ah in codka Soomaalidu uu qayb laxaad leh ka qaato isku dheelitirka awoodda siyaasadeed ee doorashada dhici doonta 7da May 2015.

“Codayntu waa muhiim. Waa waajib in ay Soomaalidu codayso, waayo waxay tusaysaa in Soomaalidu cod leedahay oo ay awoodda siyaasadeed go’aan ku yeelan karaan.”

Siciid Buraale, oo ka mid ah guddida Bristol Somali Forum.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ay yihiin awood aan la dhayalsan karin. Tani waxay tusmo u tahay in bulshada Soomaaliyeed oo lagu yaqaano inay siyaasadda aad u xiiseeyaan oo ay mar walba ka hadlaan, gaar ahaan tii waddamadii ay ka yimaadeen, ay maanta garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay in siyaasadda waddankan laga qaybqaato. Arrintani waxa kale oo ay caddeynaysaa in tirada dadka Soomaalida ah ee codeeyaa ay sii badan doonto waayo ujeeddadoodu maaha oo keliya in ay ku dhaqmaan ama isticmaalaan waxa ay sharci ahaan xaq u leeyihiin, laakiin waxa kaloo ay tahay in ay go’aan ku yeeshaan isbdelka dhacaya.

“Soomaalidu waa inay codaysaa, waa inay isticmaalaan waxa ay sharci ahaan xaq u leeyihiin, waana inay codkooda muujiyaan. Sidoo kale waa inay fahmaan sidii ay siyaasiyiinta ama saraakiisha la doortay ula xisaabtami lahaayeen. Dad badan ayaa jecel in ay dacwoodaan ama cabasho muujiyaan, laakiin ma garanayaan sidii ay u sameyn lahaayeen.

“Hooyaday iyo qoyska intiisa kaleba waxay u codeeyaan xisbiga Labour, laakiin anigu waxaan doonayaa in aan marka hore ogaado waxa ay xisbiyadu la shiryimaadaan; maadaama aan ka mid ahay da’yarta Muslimiinta ma heli karo shaqo wanaagsan waayo cunsiriyad diimeed (Islamaphobic) darteed. Waxbarasho jaamacadeedna imika lama goyn karo.”

Ruqiya Xasan, 18

Caqbado badan ayaa Soomaalida hortaagan, kuwaas oo lagu tilmaamay inay keeneen horumar la’aan dhinaca isfahamka bulshooyinka iyo isdhexgalkaba ah. Caqabadaha ugu waaweyn ee ay bulshadu aad u tilmaantay waxa ka mid ah shaqo la’aan, waxbarashada iyo tababarada, adeegyo caafimaad oo dhaqan ahaan baahidooda daboola, iyo cunsiriyad diimeed. Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in dad badani ay imika fahmeen in sida ugu haboon ee arrimahooda wax looga qabankaraa ay tahay iyagoo sanduuqa codbixinta adeegsada oo codkooda isticmaala.

Qaar badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa niyad jab ka muujiyay hab-dhaqmeedka siyaasadda waayo wax kasta oo ay ka dacwoodaan ama ka cawdaan waxba lagama qabto. Dhinaca kale marka laga eegana dad badan oo codeeyaa waxay rumaysanyihiin in ay isbedel weyn keeni karaan. Xaaladda ay bulshaddu imika ku sugantahay waxa la odhan karaa ‘ceelna uma qodna, cidina uma maqna’ laakiin codkooda ayaa saamayn ku yeelan kara natiijada doorashada soo socota, iyagana ka dhigi kara inay noqdaan awood la aqoonsanyahay.

Abdi Mohamed is projects manager at the Bristol Somali Media Group. BSMG are co-hosting Get Heard Bristol West with The Bristol Cable, ACORN and Ujima Radio. See getheardbristolwest.org.uk for more.

 

 

Comments

Report a comment. Comments are moderated according to our Comment Policy.

Related content

5 more years of austerity! Frontline workers speak out

Following on from yesterday’s big anti-cuts demonstration in Bristol we spoke to frontline workers about their fears for the next five years. The shock is wearing off,...

“An Illegitimate goverment with scary policies”: Thousands of Bristolians protest against Tory cuts

Over three thousand people, counted by The Bristol Cable, attended today's protest "NO TO CUTS - #endausterityNOW" organised by seven young women.

Between the Ballots

Politics is too important to be left to politicians: local activists discuss social change as a daily activity.

Anarchists vandalise Tory MP’s house

Anarchists in Bristol have ruptured a 1,300 litre heating oil drum at the home of Charlotte Leslie, the Conservative MP candidate for Bristol North West.

Candidate campaign promo – colourful tactics?

The real problem with party campaign material is not its camouflage but its content.

Will Somali voters determine Bristol’s 2015 General Election?

“Somalis must vote, they must exercise their rights and must use their voice” Ruqiya Hassan  The first in a series of foreign language articles, there...

Join our newsletter

Get the essential stories you won’t find anywhere else

Subscribe to the Cable newsletter to get our weekly round-up direct to your inbox every Saturday

Join our newsletter

Subscribe to the Cable newsletter

Get our latest stories & essential Bristol news
sent to your inbox every Saturday morning